M/WEYNAHA TALADA DALKA HADDA HAYAA MA MUDNA IN LOOLA DHAQMO SIDA MUSHARAXIINTA KALE.

0
500

Sida la wada ogyahey dal kasta iyo dad kasta waxey leeyihiin astaamo iyo dhaqan u gaar ah dal kasta oo dunidan ku yaal wuxu qiimeeyaa hugaamiyaha markaas talada haya sababtoo ah wuxuu huwanyahey sharaftii iyo karaamadi qaranka isagu siduu doono wax ha u maamulo wanaag ama xumaan.

Waxaan maanta maqleynaa in m/weynaha hadda taladda haya dalka somaaliya sh/sharif ahna murashax talada mar kale u tartamaya in uu buuxiyey shuruudihii murashaxa sida isagoo buuxiyey dhamaan wixii laga rabey murashaxa taas oo meel ka dhac ku ah qaranka.

Dhanka kale hadii laga eego wuxuu mudanyahey in aan shuruudahaas isaga la marin sababta oo ah abaal-marin ayuu u heli karaa maadaama uu isagu maanta ogolyahey in talada lagula tartamo heerkana uu isagu soo gaarsiiyey dalka amarka alle ka sokow.

Ugu danbeyntii wali waxaa muuqda in somaalidu aysan is qiimeyneyn is qadarineyn qofkuna uusan kalsooni dadkiisa ku qabin,waxa maanta laga qeylinayana ay dadka iyo dalka kusii faafaan qofna uusan kheyr ka maleysan shacabka iyo inta wax garadka lagu tilmaamo,waxaana dhici karta hadii hada la weydiiyo xubnaha baarlamaanka shuruudahan soo saarey in ay dhahaan cadaalad xumo ayaan ka cararney iyadoo waxa ay soosaareen ay cadaalad xumo iyo xaraam ay horseed u noqon karaan.