Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mushaarka laga jarayo golaha wasiirada si dagaalka Laascaanood loogu galo dhaqaale yaraan awgeed.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in xata la joojiyay mashaariicdii horumarinta”Mashaariicdii oo dhan waa la joojiyay, lakiin wasaarada beeraha oo kale iyo wasaarada xannaanada xoolaha oo wakhtigeedii taaganyahay waxyar ayaa naloo ogolaaday”.
Wasiir Iimaan waxa uu sheegay in ilo dhaqaale oo badan oo Somaliland lahayd ay waxyeelo soo gaadhay, sida dekedda Berbera oo suuq xumo soo wajahday, suuqii Wajaale oo isna xumaaday iyo gubashadii suuqa Waaheen oo dhibaato dhaqaale dhalisay.
Kadib saamayntii dhaqaale ee ay sababeen xanuunka Covid19 iyo gubashadii suuqa waheen, markale waxa dhaqaalaha Somaliland hoos u dhigay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, oo sabababay in ay istaagaan ilo dhaqaale oo muhiim ahaa.












