Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa La Sheegay In la qaban doono 10 Sep, 2012 Kaa Oo Ay Maanta Ku Dhawaaqeen Gudiga Doorashadda ee Baarlamaanka Soomaaliya u xilsaaray go’aan ka gaarida & qaban qaabada hawlaha doorashada Kuwaa Oo Maanta Kulan Ku YEeshay Magaaladda Muqdisho .
3-da ilaa Iyo 6-da bishan Ayay Sheegeen In ay socon doonto qabashada araajida Musharaxiinta ka rajo qaba inay Hantaan Madaxtinimada Dalka.
Iyadoo Ay Soomaaliya Ku Jirto Xaalad La Wada Ogsoonyahay Ayaa Lagu Wadaa In Ay doorasho Madaxtinimo lagu qaban doonaa Gudaha Soomaaliya sidaa si la mid ah waxaa lagu soo xulay Magaaladda Muqdisho Baarlamaan cusub.
Madax Ka Socota Beesha Caalamka Ayaa waxay Sheegeen in Soomaaliya ka baxday marxaladii ku meel gaarka ayna yeelatayna Dowlad rasmi ah taas oo la rajeenayo inay wax badan kaga duwanaandoonto Dowladihii ku meel gaarka Ahaa.
W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}
Warsom.com
Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)