Ganacsade Ka Soo Jeeda Dalka Ruushka Oo Taageeray C/Nur Darmaan Sheegayna In Ay Maalgashanayaan Soomaaliya Haddii?

0
496

Ganacsade kasoo jeeda dalka ruushka oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegey taageerada ay u hayaan c/nur darman iyo xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed isagoo caddeeyey in c/nur darmaan u qalmo xilka m/weynaha soomaaliya.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Simon bores ayaa sheegey in ay maal gashi baaxad leh gelinayaan soomaaliya hadii c/nur darmaan la doorto oo madaxweynaha soomaaliya uu noqdo.

Iyadoo maanta ay shaaciyeen gudiga doorashada m/weynaha soomaaliya in ay dhaceyso 10ka bishan sept ayaa waxaa soo kordhaya balanqaadyada iyo taageerada loo hayo musharaxa c/nur darman oo xisbiga midnimada jamhuuriga uu hugaamiyaana uu ka wado gobolo iyo degmoyin somaliya ah olole aad u balaaran.

                  W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}

                      Warsom.com