Waxaa Saakay Xaafadda Jiiro Maskiin Degmada wadajir e Gobolka Banaadir Lagu Arkay Meydadka Labo Wiil oo Dhallinyaro ah oo Jirkooda Ka Muuqday rasaas Fara badan
Labada Wiil ayaa Rasaasta waxa Lagala Eegtay Dhanka xabadka Iyo Madaxa Waxa ayna Ka Xirnaayeen gacmaha Sida Dad Deegaanka aya U Xaqiijiyeen wakaaladda wararka Warsom.com
Sidoo Kale Mid Ka Mid ah Dadka Deganka xaafadda Jiiro maskiin ee Degmada Wadajir ayaa Sheegay In Xalay Sexdii Dhexe ay Maqleen Rasaas Xoogan Saakayna ay Xaafadda Ku Arkeen Meydadkaasi Taasoo Muujinayso in Xalay La Keenay labada Wiil Xaafadda Jiiro Maskiin Ka Dibna Lagu Dilay Iyadoo Sidoo Kale Aan wali La Aqoonsan Meydadka
Ma Ahan Meydadkaani Kuwii Ugu Horeyey Ee Lagu Arko xaafadaasi Balse Jiiro Maskiin ayaa Waxaa Caadi Ka ah In Todobaadkii 3 Jeer Lagu Arko Meydadka Dhallinyaro Fara badan
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
*
(