Sharif xasan sh/aadan oo ah siyaasi ruug cadaa ah in badana siyaasada rog roga ayaa ku fashilmey dhawaan sidii uu rabey in ay wax u dhacaan,xeelado badan oo uu isticmaaleyna ay midina u hirgeli weydey iyadoo jagadii uu beesha uu kasoo jeedo u diiday ay hadda ku fadhiyaan taas micnaheeduna ay tahey in uusan heli karin labada xil ee harey waa madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha’e.
Waxa hada uu hayaa waa xildhibaan barlamaanka ka tirsan wuxuuna dib ugu noqdey godadki uu hore u qotey waxaana diyaarad khaas ah u soo direy sirdonka dawlada kenya,si loogu sheego halka uu siyaasada ka miisayo,waxaana faraha laga geliyey basaborki kenya oo hore looga qaadey,sida warar xogogaalihi sheegayaan sh/xasan ayaa hada iyo wixii ka danbeeya wuxuu la shaqeyn doonaa c/wali gaas oo kenya doonayso in uu m/weyne noqdo si ay u meelmarto heshiiski badda iyo beriga somaaliya ay kenya ku qaadaneysey taasoo markii ugu horeysey uu shaaciyey musharaxa m/weyne ahna gud xmjs c/nur axmed darmaan sanadki 2008di.
Faragelinta qaawan ee dalalka deriska la ah soomaaliya ayaa qeyb weyn ka ah deganaansho la’aanta soomaaliya,waxeyna mida hada kenya sameyneyso ay noqoneysaa mid cirka kusii shareerta arrimaha soomaaliya.
Dawlada kenya ayaa ciidamo ka joogaan gudaha soomaaliya,iyadoo ku guuleysatey in ciidamadaas ay ka mid noqdaan ciidamada AMISOM.
Somaaliya ayaa waxey ciidamo ka joogaan wadamada kala ah:
ugandha,burundhi,jabuti iyo kenya waxeyna ku hawlgalaan Amisom,halka kuwa ethoipia oo iyaguna soomaaliya ku jiraa aysan magacaas wadan balse ay iskood ugu jiraan gudaha dalka somaaliya ciidamadan ayaan ka badneyn isu geyn 7todobo kun askeri halka UNka iyo Q/midobey wax looga qaato tiro ku dhaw 15kun oo askeri.
W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}
Warsom.com