FARMAAJO! aniga oo kale ama anigaba waa in ay xildhibaanadu doortaan.

0
677


Ra’iisal wasaarihii hore maxamed c/hi farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtey muqdisho ayaa soo dhaweeyey gudoonka baarlamaanku doortey shaley sheegeyna in uu ku kalsoonyahey maxamed shikh cismaan jawaari uuna yahey nin shacabka iyo xildhibaanaduba ay ka raali yihiin.

Sidaas si lamid ahna loo baahanyahey m/weyne ay is fahmi karaan oo hore loo soo tijaabiyey isagoo afka ku dhuftey in uu isaga yahey ninka uu tilmaamayo taasoo noqon karta nin isfaanshey waa ri is nuugtey,taasina ay tahey mid meesha ka saareysa qiimihii uu qofku lahaa hadii uu is faansho.

Musharixiin kale ayaa sidaas si lamid ah soo dhaweysey gudoomiyaha cusub ee barlamaanka somaaliya Maxamed sh cismaan jawaari sida madaxweynaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ahna musharax m/weyne ing. C/nur axmed darmaan iyo kuwo kale lamana oga in amaanta badan ee soo gaareysa jawaari ay sii jiri doonto marka uu gudagalo hawlaha qaranka soomaaliya.

                  W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}

                      Warsom.com