Madaxa arrimaha debeda iyo siyaasada midawga yurub katarina ashton ayaa maanta muqdisho soo gaartey iyadoo kulamo la yeelatey madaxda ugu sareysa soomaaliya.
M/weyne shikh sharif oo kulanka ka dib la hadley warbaahinta ayaa sheegey in katarina ay u kuur galeysey hawlihi la soo qabtey iyo geedi socodka kuwa dhiman waxaanan u sheegney buu yiri sh/sharif in meel fiican wax noo marayaan iyagana gacan siin laga rabo hawlaha dhiman waa midawga yurube.
M/weyne sh/sharif oo u muuqdey nin awoodiisi iyo farxadiisu sii daciifeyso ayaa waxaa la sheegayaa in lagu war geliyey tanasul xaga xukunka ah in uu sameeyo wax carqalad ahna aan loo geysan geedi socodka nabada iyo xasiloonida.
Sh/shariif ayaa sheegey in berito barlamaanku gudon dooran doono iyadoo dacwadi maxkamada sare ay beri iyaduna go’aan ka gaari doonto xildhibaanadi la soo celiyey,lamana oga sida wax noqonayaan kala jeedka afkaarta oo sii badaneysa awgeed.