Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacey qarax Noocisu Ahaa miino, Islamarkaana gilgiley dhamaan magaalada Baladweyne.
Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Ayaa U Xaqiijiyay Dad goobjoogayaal inuu ahaa qaraxaasi miinada dhulka lagu aaso,waxaana mar qura dhawaqa qaraxaasi laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne Iyo Hareeraheeda.
Xaafada Hawlwadaag ee Magaalada Beledweyne Ayaa Lagu Sheegey In uu Ka Dhacay Qaraxa,waxaana qaraxa lala eegtay masuuliyiin ka tirsan Dowladda TFG-da Soomaaliya Ee Ku Sugnaa Halkaasi,.
Qaraxa Ka Diba Ayaa Goobta waxaa isku Hareereeyay ciidamada dawlada oo iyagu xiray wadooyinka rasaas badana riday,iyadoo Ay Wararka Qaar Sheegayaan In Rasaastaasi Waxyeelo Ay Ka Soo Gaartay Dad Shacab Ah Ee KA Agdhawaa Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay
Ma Jiro Ilaa Iyo Haatan Cid Sheegatay Qaraxaasi Gil Gilay Xaafada Howlwadaag Magaalada Baladweyn Ee Xarunta Gobolkaasi Hiiraan Iyadoona Dhowr Jeer Qaraxyo Ay Ka Dheceen Halkaasi Hase Yeeshee Masuuliyadeeda Looga Bartay In Ay Sheegtaan Xarakada Al-shabaab
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)