Golaha Waziirada Dowlada TFG-da Soomaaliya Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeesha Magaalada Muqdisho

0
537

 

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shir-guddoominayey ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid Tahay soo xulida xubnaha Baarlamaanka, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimaha Kale .

Golaha Wasiiradda ayaa Ugu horayntii isla soo Hadal qaaday sidii loo soo dhamaystiri lahaa xubnaha baarlamaanka iyagoona ka codsaday Odayaasha dhaqanka iney soo dhamaystiraan xubnaha dhiman,

Sidoo Kale Goluha Waziirada Ayaa Waxa ay Sheegeen in loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu muujinayo Dimuquraadiyad waxayna ka hadleen waajibaadkooda ku aadan sida wanaagsan oo ay dalka uga saareen KMG-ka iyagoona xaqiijiyey in 20 August ay Soomaaliya heshay Baarlamaan aan KMG ahayn,

Waxaa sidoo kale Golaha wasiiradu Ay sheegen in si habsami leh ay u sii wadi doonaan shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed kuna wareejin doona xilka ay hayaan marka la soo doorto Xukuumad cusub Oo U Adeegta Umada Soomaaliyeed

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ra’iisul wasaaraha Dowlada TFG-da Ayaa Ugu Dambeytii ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd, Iyagoona muujiyay wax qabad la taaban karo Islamarkaana meel mariyay hadafkii ahaa in dalka laga saaro KMG.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)