Illaa konton ruux oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn ayaa la soo gaarsiiyey isbitaalada magaalada Muqdisho kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaareen eeyo soo weeraray deegaanka Buulo Mareer.
Dadkan ayaa la dhigey isbitaalo ku yaal magaalada Muqdisho iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax u dhintey qaniinyada eeyaha soo gaarsiiyeen.
Hase yeeshee isbitaalada ayaa waxa ay ka cabanayaan in aysan hayn dawooyinka lagu daweeyo qaniinyada eeyaha iyadoo isbitaalada qaarkoodna ay yaalaan dawo aan ku filneyn dadka la keenay.
Agaasimaha Isbitaalka Xabeeb ee magaalada Muqdisho Dr C/raxmaan Cali Cawaale ayaa sheegay in dadkii ugu dambeeyey ee dhaawacyada ay u geysteen eeyaha lna keenay isbitaalka Xabeeb ay tiradoodu gaareyso 30 ruux isbitaalkana uu hayo dawo ku filan shan ruux oo kaliya.
Taqtarka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay dawooyinka qaniinyada eeyaha loogaga hortaga cudurka Raabiyada degdeg loo soo gaarsiiyo.
Inkastoo dadkan la keenay isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa waxaala sheegayaa in weli cabsi daran ay ka jirto deegaanka Buulomareer iyadoo dadka ku nool deegaankaasna haatan ay wadnaha farta ugu hayaan in ay mar kale dhibaato ka soo gaarto eeyaha. |