Kooxo Hubeysan Oo Xalay Farsamo Yaqaan Gacanta Ah Ku Toogtay Degmada X/jajab

0
519

Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Xamar jajab ku dilay nin ka shaqeysanayay farsamada gacanta, iyadoo mid kale dhaawacay, kadib markii ay ku weerareen goob lagu fiidsado xilliyada habeenkii

Ninkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Faanoole, iyadoo uu ku shaqeysan jiray farsamada gacanta, sida Tolooyinka kabaha iyo agabyada kale.

Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana sida caadada ah soo gaaray Ciidamo ka tirsan TFG-da, inkastoo aanay ku guuleysan inay soo qabtaan kooxihii dilka ka dambeyay.

Maamulka degmada Xamar jajab ayaan wax war ah ka soo bixin, dilka xalay loo geystay qofka rayidka iyo ruuxa kale ee la dhaawacay, waxaana mudooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay degmadaas dilalka.

Dilalka Loo geysta Dadka Rayidka Ah ee ku Dhaqan Gobolka Banaadir ayaa wuxuu noqonayaa mid ku soo noqnodo Gobolkaani Banaadir iyadoo aysan jirin cid lagu soo qabto

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)