How lgalka oo ay fulliyeen Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Muqdisho intii uu socday howlgalkaasi ayaa lagu dilay mid ah buracadii dhaca ka gaysan jiray Xaafaddaasi, halka Ciidamada ay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah dadkii qaska waday, mid kalena uu goobta isaga baxsaday.
Goob joogayaal ku sugnaa deegaankaasi ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu dilay burcad badan oo dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah, islamarkaana ka qaadan jiray agabka ay haystaan dadkaasi.
Dhinaca kale howlgal daba socday kii hore ayaa isla xalay waxa uu ka dhacay Xaafadda Zoona-Key, iyadoo lagu dilay 3-ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxihii burcadda ahaa iyadoo lasheegay in Haweenay shacab ah ay ku dhaawacantay goobta uu ka dhacay howlgalka, waxaana qaar ka mid ah burcaddii la weeraray ay ka baxsadeen goobta.
Arrintaani ayaa ka dambeysay kaddib markii Habeen ka hor Xaafadda Sooni-Key degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu dilay dad rayid ah, kuwa kalana lagu dhaawacay, waxaana dhibaatooyin ka jiray halkaasi muddooyinkii dambe oo la sheegay inay gaysanayeen Kooxo ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda TFG-da Soomaaliya.
(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)