KULAN AY MAANTA YEESHEEN MAHIGA IYO SH/SHARIIF OO GUUL DARRO KU DHAMAADEY

0
510

Kulan ay maanta yeesheen ergeyga qaramada midobey agoustina mahiga iyo sh/sharif ayaa guul darro ku dhamaadey kadib marki ay isku fahmi waayeen qodobadii ay ka wada hadleen.

Kulanka ayaa waxaa dalbadey baa la yiri sh/sharif isagoo doonayey in uu mahiga kala hadlo xubno baarlamaanka loo diidey oo lagu eedeeyey danbiyo kala duwan iyo hugaamiye kooxednimo,baarlamaanki hore ayaa u badnaa hugamiye kooxeedyo laayaan ah oo kusoo caan baxey dhiiga shacabka iyo wadaado iyaguna dagaal galey,waxaana la sheegayaa in sh/sharif marki laga diidey hugamiye kooxedyadi uu isku dayey in uu badbaadiyo wadaadadii ay xiriirka dhaw lahaayeen uuna iyagana ku guul dareystey.

Lama oga talaabada xigta ee sh/shariif qaadi doono iyadoo ay dhici karto in sh/sharif laftiisa laga joojiyo hamigiisa ku aadan in uu m/weyne noqdo 4ta sano ee soo socota,kulankan maahan kii ugu horeeyey ee mahiga iyo sh/sharif yeeshan ee waa kuwo inta badan joogta ah oo aan wax badan oo wanaag ahi ka soo baxaan.