Madaxweynaha Xisbiga midnimada jamhuuriga Oo maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Cadeyana Inuu Yahay Musharax u taagan xilka madax weynenimo Ee Dalka Soomaaliya.

0
610

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Cabdi nuur Axmed {darmaan} oo ah musharaxa xisbiga jamhuuriga ayaa maanta si weyn loogu Soo dhaweeyay garoonka adaan cade international airport waxaana soo dhaweynta ka qeyb Galay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo masuuliyiin ka mid ah xisbiga midnimada Jamhuuriga uu ugu horeeyo gudoomiye ku xigenka axisbiga cali maxamed nuux tima (jilic).

KA dib markii loo so galbiyay musharaxa halka uu ka dagan yahay magaalada muqdisho aya Waxaa saxaafada kaga cudur daaray in gudoomiyaha uusan la hadli Karin saxaafada gudomiye Ku xigeenka cali maxamed nuux tima jilic wuxuuna balan qaaday in musharaxa xisbiga Midnimada jamhuuriga mr darmaan uu dhowaan soo bandhigi doono himiladiisa ku aadan Musharaxnimadiisa uuna shacabka soomaliyed u soo gudbin waxyaabaha uu jecel yahay in uu u Qabto hadii uu ku guulaysto xilka madax weynimo.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka ayaa shacabka soomaliiyeed ugu hanbalyeeyay Munaasabada maalinta ciida. Sidoo kale xisbiga ayaa ka codsaday musharixiinta inay ka dhabeeyaan balan qaadyada ay u Sameynayaan shacabka haday ku guulaystaan xilka madaxtinimo ee dalka soomaaliya. Imaatinka muqdisho cabdi nuur darman aya ku soo aadaya xili musharixiin fara badan oo qurbo Joog ah ku soo qulqulayaan dalka soomaliya si ay kaga qeyb galaan loolan culus ee loogu jiro Qabashada xilka madaxtinimo oo dhowaan ka dhici doonta muqdisho.