Yuusuf Garaad Cumar” Anigu Maanta Waxaan Cadeynayaa Inaan Ahay Musharax U Taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

0
549


(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Muqdisho inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada uu ka shaqeyn doono nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Intii uusan ku dhawaaqin murashaxnimadiisa ayaa wuxuu kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu geeyay xoolo nool iyo raashin si ay ugu afuraan barakacayaasha kaamkaas ku jiray inta ka harsan bisha Ramadaan.

“Aniga waxaad igu taqaanneen warbaahinta, balse maanta waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahayn murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo intaas ku raaciyay in xaaladda Soomaaliya uu wax badan ka baahin jiray warbaahinta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka warbaahinta ka shaqeeya uu yahay siyaasi la socda waxyaabaha dalka ka dhacaya oo dhan, waayo anigu waxaan muddo badan ka qaybgalay shirar Soomaaliyeed oo lagu qabtay dunida dacaladiisa, runtiina aad ayaan ula socday xaaladda dalka uu ku sugnaa.

Dhanka kale, mar ka hadlay warfaafinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii aqoontooda sare loogu qaadi lahaa, sidoo kalena uu degmo loo sameyn doono idaacad ka hadasha arrimaha bulshada, si dadka loogu wacyi-geliyo inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay barakacayaasha iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay inuu wax u qaban doon, hase ahaatee in maalin walba cagmaha la hoorsado waxaa ka wanaagsan in qofku shaqeysto si uu noloshiisa u maareeyo