Allaha u naxariistee waxaa maqribnimadii caawa lagu toogtey gurigiisa meel aan ka dheereyn majaajiliste cabdi marshaale oo ahaa nin caan ku ah ka qoslinta bulshada.
Marshaale waxa uu ahaa nin hadla dadkana ka qosolsiiya lamana oga in sheekooyinkiisa ay qoonsadeen dadka diley iyo in sheekadu tahey barootu orgiga ka weyn oo loo danlahaa meelo uu ka hawl geli jirey oo la waayey meel loo maro,hal aragtiyo kale ay tilmaamayaan in uu jiro dagaal ka dhan ah warbaahinta iyo wixii ku abtirsada lana heley marshaale oo tiisii dhamaatey(inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun)
ma dhinte waa illaah qof kastana mawdka wuu dhadhamin waqtigiisa kan isleh maanta waxbaad dishey oo guul baad gaartey waa beentiis tanina waa mid isagana uu arki doono faa’iidadeeda iyo miraha ay dhasho.




