
( Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Warsom.com)
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa war aan raad laheen ku tilmaamtay in ciidamo ka socda dowladda Ingiriiska oo hubeeysan ay joogaan gudaha Soomaaliya, inkastoo Warkaan hadana dowladdu ay tiri” waa jiraa”.
Dhowaan Warbaahinada Caalamka ayaa faafiyay SAWIRO ay soo bandhigtay Jariirada wararka The Times oo sheegayay in askar hubeysan oo ka socda xukuumada London lagu arkay degmada Afgooye iyo C/biyaha.
Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowladda KMG oo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo Uk ah ay Soomaaliya joogaan.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG ayaa dhanka kale waxa uu beeniyay inuu isagu hashiis dowladda Ingiriiska kula galay in ciidamadooda ay ka caawiyaan Kuwa Soomaaliya La Dagaaladanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabka Soomaaliya.
” Aniga ma oran Ciidamo Uk u dhashay ayaa jooga Soomaaliya, mana jiro Hashiis aan dowladda England la galay, mana jiraan wax askar Uk oo Soomaaliya jooga” ayuu yiri Xuseen Carab.
Mar la weydiiyay Sawiro Ciidamadaasi laga soo qaaday ayaa waxa uu ku jawaabay Wasiirka Gaashaandhiga” Haa askar aan hubeysneen weeye oo jooga Muqdisho, Wexey u joogaan oo kaliya tababaro ay askarta dowlada siinayaan”.
Ugu dambeyntiina Jariirada The Times iyo BBC ayaa wali ku adkeeysanaya in Ciidamo England u dhashay ay joogaan meelihii dhowaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab laga qabsaday haba yaraadeen tiradooda hadeey doonaan.
( Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Warsom.com)




