( Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Warsom.com)
Muuqaal xalay laga baahiyay Telefishinka Mucaaradka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Males Zanawi Ra’iisul Wasaariha dowladda Itoobiya uu geeriyooday maalmo ka hor xilli uu ka xanuunsanaayay Kansarka maskaxda gala.
Tv-ga Mucaaradka Itoobiya ayaa qiray in Males Zanawi uu geeriyooday, waxaana Telefishinku uu Warka kasoo xiganaayay Dad ehelo la ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Males Atto Zanawi oo muddo bil ah ku sugan Yurub.
Wariyaha Warkaas tabinayay ee TV-ga Mucaaradka Itoobiya ayaa waxa uu yiri” Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Itoobiya”, taasoo dad badan ay layaab ku noqotay in Males laga soo qaaday ruux dhintay, misana ah waqtigaan Ra’iis hore.
Warbaahinnada Caalamka ayaan faafin Warkan uu tabiyay Telefishinka Mucaaradka Itoobiya lakin wexey ka muujiyeen Shaki badan oo ah in Soo xigashada uu TV-ga sameeyay ay tahay mid la aamini karo.
Dhanka kale Wabsite-ka Idaacada Dowladda Qaranka oo Jawab dag dag ah ka bixineeysay Warka Mucaaradku tabiyay ayaa waxa ay Warbixinta jawabta cinwaan uga dhigeen” Zanawi wuu Nool yahay, Warka dhimashadiisa waa been cad”.
Ugu dambeyntiina Warbaahin madax bannaan oo xaqiijin kartaahi inuu Males Zanawi nool yahay ama dhintay ma jirto lakin waxaa la wada ogyahay in xanuunkii uu Yurub u aaday ay wax walbo ka imaan karaan.
( Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Warsom.com)




