C/wali Gaas Oo Kulan Afur Sharafeed Ah U Sameeyey Agaasimayaasha Warbaahinta Magaalada Muqdisho

0
511

 Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Afur u sameeyey Agaasimayaasha Warbaahinta ka howl gasha magaalada Muqdisho,

Afurkaan ayaa u jeedkiisu ahaa is xog waraysi iyo in suxufiyiinta iyo Dowladdu si wada jir ah ugu saaran dalka xiliga KMG Loona Gudbo Dowlad Rasmi Ah.

Dr.Gaas ayaa waxaa ku wehliyey kulankaas Mudane: Cabdulaahi Bille Nuur Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane: Cabdirisaq Cali Yuusuf (Bahlaawi)  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumada Cumar C/rashiid Mudane: Farxaan Cali Maxamuud.

Waxaa Ugu Horeyntii goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka Warfaafinta waxaana uu sheegay in Saxaafada ka howl gasha magaalada Muqdisho ay ku shaqeeyaan dhibaatooyin ka soo wajaha xiliyada ay ku jiraan gudashada shaqadooda Iyo La Shaqeynta Dowlada TFG-da.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa Sidoo kale aad uga mahadceliyey kasoo qayb galka martiqaadka uu u sameeyey Agaasimayaasha warbaahinta.

Iyadoona Ugu danbayntii Uu Ra’iisul wasaaraha ku booriyey Suxufiyiinta iney kaalin mug leh ka qaataan nabadaynta iyo sara u qaadida is dhexgalka bulshada,

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in wixii ka dandambeeya bisha Augusto 20-keeda ay Soomaaliya ka dhalato Dowladd rasmi ah Shacabkana U Adeegi Doonto.

  Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)