Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Xaakinka guud ee Alshabaab sheikh Cabdul xaq ayaa sheegey in xukunkan uu yahay Xadul Ridah waa sida uu sheegaye isla markaana ay ku fuliyeen jaajuusyadan ku lugta lahaa hawashan ayna khaarijiyeen.
Wuxuu intaasi ku darey sadexda mid kamid ah laga soo direy Xafiiska M16 xaruntooda Soomaaliya oo uu sheegey in laga maamulo magaalada Hargaysa, halka labada kalena ay ka danbeeyeen dilkii bilaal Al-barjaawi oo horaantii sanadkan lagu diley duleedka magaalada Muqdisho oo ay duqeysey diyaarado aan cidina wadin.
Waxaa uu sheegey in dilkii Bilaal Al-Barjaawi ay fududeeyeen raggani aalaadii ay diyaaradu ku duqeysey waxeykaloo ku eedeeyeen raggan iney ka danbeeyeen diyaaradaha Drone ku duqeeyeen saraakiil isugu jirta Somali iyo Ajinabi oo isla horaantii sanadkan lagu diley deegaanka Number lixdan ee gobolka shabeeladaha hoose.
Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)