Shariif Xasan Oo Dafiray Eedeymihii Loo Jeediyay Sheegayna In Uu Ka Qeyb Yahay Musharaxiinta Madaxtinimo Ee Soomaaliya

0
510

 Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Shariif Xassan Shiikh Aadan Afhayeenkii Baarlamaankii Laga Tilaabsaday Ee Soomaaliya ayaa sheegey in aysan waxba kajirin eedaymaha loogu jeediyey warbixintii kooxda dabagalka Soomaaliya ay u gudbisey Golaha Amaanka.

Sidoo Kale Warbixintaas ayaa lagu sheegay in Shariif Xassan uu faraha kula jirey musuqmaasuq weyn, isaga wax ka lunsadey lacago loogu deeqay Dawladda Soomaaliya,

warbixinta ayaa ku eedeysey in uu saamiyo ku lee yahay Shariif Xassan shirkadda u samaysa Soomaaliya Baasaboorada iyo weliba shirkadda SKA Oo Iyada la wareegtey hawlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho

Afhayeenkii Baarlamaankii Laga Tilaabsaday Ee Soomaaliya oo la hadley qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegey in aysan eedaymahaasi waxba ka jirin oo si duuduub ah u inkiraayo.

Geeska kale Shariif Xassan ayaa sheegey in uu bilaabayo olalaha doorashada ee loogu baratamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya,

Xili loo gudbiyey Qaramada Midoobey eedaymo ka dhan ah isaga iyo qaar ka mid ah Madaxda u sareysa Dawladda kadib markii warbixintu ku eedaysey in 70% la leexsadey lacagihii deeqaha ahaa ee loogu tala galay in dalka lagu dhiso.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha hadda xilka haya Shariif Shiikh Axmed uu isu sharaxay mar kale Xilka Madaxweynaha isaga oo qudhiisu Inkiray eedaymaha musuqmaasuqa ah ee loo jeediyey.