Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay deegaanka uu ku dhashay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansoor ay weerareen ciidamo huwan ah.
Ciidamada maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee magaalada Xuddur iyo kuwa Militeriga Itoobiya ayaa waxa ay weeraro xoogan ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo Cabaq Golol oo uu ku dhashay Muqtaar Roobow.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidada is-garabsanaya ay dagaal ku qaadeen deegaankaas, iyagoo xarakada AL Shabaab kala kulmay iskacaabin loo adeegsaday qoryaha garabka laga rido.
Deegaanka Cabaq Golol ayaa 20 Kilo Mitir dhanka Bari ka xigta degmada Xuddur ee caasimada Gobolka Bakool, waxaana dagaalka ka dhacay deegaankaas uu noqonayaa weerarkii labaad oo lagu qaaday.
15-ka bishan ayey ahayd markii Kolonyo Gawaari ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda jidka loogu galay deegaanka Cabaq Galol, taasoo Huwanta ku dhalisay in xalay ay halkaas weeraro xoogaan ku qaadaan.
Maxamed Macalin Axmed oo ah Gudoomiyaha dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Xuddur ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka uu ku dhashay Abuu Mansoor oo Shabaab ka tirsan ay ku dileen Ku dhowaan 15 askarta Shabaab ka tirsan.
Ugu dambeyn Maxamed Macalin Axmed duqa Xuddur oo wax laga weydiiyay in ay jiraan warar sheegaya in Deegaanka Cabaq Golol uu ku sugan yahay Muqtaar Robow Abuu Mansoor ayaa waxa uu yiri” Waa Tatik Militeriga arintaas”.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)