Madaxda Xisbiyada Siyaasadda (Hormuud Qaran) oo Soo Dhaweeyey Xukuumadda Cusub Barlamaankana ka Codsadey in ay Ansixiyaan DAAWO.

0
811

Qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Hormuud Qaran oo ka Kooban 75 Xisbi Siyaasadeed ayaa Maata Shir Jaraa’id ku Qabtey Magaalada Muqdisho iyagoo Soo Dhaweeyey Xukuumadda Cusub Barlamaankana ka Codsadey in ay Meel mariyaan Si Hore Loogu Socdo,maadaama Dalku Xaalad adag ku Jiro.

Madaxda Shirka ka Hadley ayaa waxaa Kamid ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Tiir C/llaahi Maxamed Aadan Salaamullaah,Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka C/raxmaan Saleemaan Jaamac iyo Xiriiriyaha Xisbiyada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic iyagoo si wadajir ah usoo Dhaweeyey Xukuumada uu dhawaan Magacaabey,barlamaankana ka Codsadey in ay Ansixiyaan Xukuumadda ay Dhawaan Soo Dhiseen M/weyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre.