Dowlada France Oo Sheegey Denis Allex Oo Sadexsano Kahor La Afduubtey In Uu Weli Nool yahay

0
466

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Sarkaalkii faransiiska ahaa ee ay mudo sadex sano ah ay Afduub ahaan u heystaan kooxda alshabaab ayaa la xaqiijiyay inuu wali nool yahay.
Jean-Yves Le Drian Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, ayaa sheegay inay heleen warbixinno xaqiijinaya in Allex uu weli nool yahay, isagoo sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kusoo furtaan.
Denis Allex ayaa la afduubtay sanadkii 2009-kii isaga iyo Sarkaal kale, kuwaasoo Dowladda KMG ka gacan siinayay tababarida sirdoonka iyo ammaanka.
Xarakada Al-shabaab ayaa la rumeysan yahay inuu sarkaalkani gacanta ugu jiro inkastoo aysan iyadu ka hadlin weli inay hayso sarkaalkaas iyo in kale, wuxuuna ka mid yahay lix ruux oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu haysto gudaha Somalia.