Maxaa Kala Heysto Ansixinta Dastuurka Somalia Iyo Xusul duubka Muqdisho ka Socda

0
487

Wararka Soomaaliya(wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Hogaamiyaasha Dowlada TFG.da Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo gooni gooni ah oo ay layeelanayaan Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed oo intooda badan hada ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulamadan ay madaxda Sar sare ee dowlada TFG.da kala hadlayaan odayaasha ama issimada Soomaaliyeed sidii loo meel marin lahaa Dastuurka cusub ee murranka badan ka taagan yahay iyo waliba soomagacaabida Xubnaha Baarlamaanka cusuboo aan weli la dhameystirin xili muddo bil iyo maalmoah u hartay Dowlada Kumeelgaarka Soomaaliya.

Shariif Sh Axmed iyo Cabdiwali Gaas, ayaa Haatanba wada kulamo balaaran oo ay beelaha la yeelanayaan, waxaase weli cadeyn go’aamo rasmi ah oo kasoo baxa kulamadaasi marka laga reebo baaqyada ka imaanaya hogaamiyaasha dowlada ee looga codsanayo beelaha inay qeyb ka qaataan ansixinta Dastuurka iyo soo xulida xubnaha Baarlamaanka cusub.

Walow Madaxda sare ee Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaara aysan si rasmi ah weli ugu dhawaaqin inay isu soo taagi doonaan jegooyinka sare ee dowlada cusub, ayaa hada waxaa soo baxaya hadal hayn weyn oo ku aadan musharaxnimada madaxda sare ee hada xilka ka haya TFG.da.

XogWareedyada laga soo xiganayo qaar kamidah odayaasha ay wada kulmeen Madaxweynaha DowladaSoomaaliya Shariif Axmed, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka codsaday qaar kamid ah beelaha Soomaalida inay ku taageeraan musharaxnimadiisa jegada Madaxweynaha oo lafilayo inuu markale isu soo taago