Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Habeenkii Xalay AhaaKa Dhacay Magaalada Baydhabo Ee Gobalka Bay .

0
475

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Qaraxani oo ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 1hal qof oo rayid ah halka 4afra kalana ay ku dhaawac meen.

Inkastoo aan la ogeyn cida lala maagana qaraxa xalay ka dhacay magaalada baydhabo ayaa hadana waxaanan jirin cid sheegatay mas,uuliyadiisa.

Maalmahii ugu danbeyay ayaa waxa caadiyan ka noqday magaalada baydhabo iyo qeybo ka mida magaalada gobolka bay qaraxyo iyo weeraro lagu qaadayo shaqsiyaadka la aaminsan yahay in ay la shaqeyaan maamulka magaalada baydhabo ee Dowlada KMG soomaaliya.

Magaalada baydhabo ee ah xarunta gobolka bay ayaa waxa billo ka hor waxaa lagala wareegay xarakada alshabaab oo in muda ah ka talinayay hase ahaate hada aanay ka talin.

Waxa xusid mudan in hada degaanada ay ka taliyaann ciidanka dowlada KMG soomaaliya ee dhawaanahani  lagala wareegay xarakada alshabaab in aanay ciidanka dowlada soomaaliya iyo kuwa ay ka helayaan kaabiyaha mileteri aanay wali ku guuleysan amaanka deeganada ay ka taliyaan sababo lala xiriirinayo xarakada alshabaab oo ka geysata hadba weeraro nooca ay doonan taasina ay ka turjumeyso baaxada alshabaab ay gaarsiisan tahay.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.