Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxa miino ee qabsaday mid ka mid ah kolanyada ciidamada ATMIS, ayaa bartooda Internetka ku shaaciyay in qaraxaasi miino ay ku dhinteen 5 askari oo saarna gaarigii qaraxa uu haleeyay, islamarkaana tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa miino ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay deegaanka nambar 60 oo dhaca duuleedka magaalada Marka Cadeey ee gobolka Sh/hoose, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidamada ATMIS oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa miino ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsata ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Saldhigyada ay ku sugan yihiin iyo xiliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka.












