Xukuumada Dowlada TFG-da Soomaaliya oo Digniin U dirtay Hay’adaha Iyo Shirkadaha Ka Hawl-gala Dalka Soomaaliya.

0
496

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Waziirka wazaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samada Macalin Max’ud Sheekh ayaa Sheegay Inay Baaq Digniin Ah u dirayaan Shirkadaha Iyo Hay’adaha Hubka Sida Sharci Darada Ah ugu heysta gudaha magaalada muqdisho.

Cabdi samat ayaa waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in gudaha magaalada caasimada soomaaliya ay iska sahlanaato in lagu arrko ciidamo si sharci darro ah ku dhex heysta bulshada taana lagala kulmi karro amni daro.

Hadalka ka soo yeeray waziirka amaanka Qaranka Xukuumada soomaaliya ayaa ah mid si toos ah u taabanaya qaar ka tirsan hay,adaha NGO yada ee ka howlgala magaalada muqdisho kuwaasi oo iyagu heysta dabley ay sheegen in ay ku ilaashanayaan hantidooda iyo nafsadooda.

Waa markii ugu horeysay oo Wazaarada Amaanka Qaranka ee Xukuumada KMG soomaaaliya ay digniino usoo jeediso hay,adaha NGO yada ee ka howl gala magaalada muqdisho.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.