Arrimaha Amniga Xiliga Kala Guurka oo Soomaaliya iyo Midawga Yurub kawada Hadleen Sida uu Noqon Doono.

0
333

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Sida lagu sheegay bayan kasoo baxay kulanka, wasiirka gaashaandhigga iyo wakiilka Midowga Yurub ayaa waxay ka wadahadleen taageerada mustaqbalka Midowga Yurub ee ciidamada Soomaaliya iyo amniga dalka.

“Waxaan wadahadal miro dhal ah la yeeshay Midowga Yurub iyo Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) si ay u taageeraan Saadka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirku

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka Safiirka iyo Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku soo aaday maalin un ka dib markii ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ku dishay 70 ka mid ah Al-Shabaab dagaal ka dhacay magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud.