Wasiirka Dastuurka C.Raxman Xoosh Jibriil oo sheegay in dib loo eegayo Maqaamka Muqdisho ay yeelanayso.

0
544


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.
Guddoomiyaha Gobalka AhnaDuqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan oo shalay ka hadlay arrintan caasimadda ku saabsan ayaa sheegay in dastuurka uusan qeexayn in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, wuxuuna codsaday in arrintaas lagu caddeeyo dastuurka.

“Maqaamka Muqdisho ay yeelanayso waxaa looga hadli doonaan si dastuuri ah, sharci gaar ah ayaana laga soo saarayaa, shakina lama gelin in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka

Wasiirku wuxuu sheegay in laga fikirayo in Muqdisho ay noqto gobol gaar u taagan iyo in kale, isagoo sheegay in dadka arrintan ka hadlayay ay ahayd inay markii hore u fiirsadaan, isagoo carrabka ku adkeeyay inaanay jirin wax shaki Muqdisho la geliyay.

“Odayaashu waxay nagu leeyihiin talo, waayo waa dad doonaya in wax wanaagsan oo la isku raacsan yahay ay yimaadaan, balse ergada ay soo xuleen ayaa leh go’aanka wax ka bedelka dastuurka,” ayuu wasiirku yiri.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bulshada inteeda kale ay weli dhaliilo ka qabaan qabyo-qoraalka dastuurka oo dhawaan loo gudbiyay odayaasha dhaqanka.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com

Muqdisho,Somaliya.