Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka iyo M/weyne Xasan Sheekh oo Wadahadal Yeeshay/maxey kawada Hadleen?.

0
479

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wadahadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.

“Madaxweynaha ayaa dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta DF.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga helay kulankaas hase ahaatee Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyagoo sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowlada.