kenya iyo Sierra Leone oo iska kaashanaya la dagaallanka Al shabaab.

0
579

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Kulan ka dhacay magaalada Nirobi ee caasimadda dalkaKenya oo ay wada yeesheen wasiirka gaashandhiga Kenya ahna sii hayaha xilka wasiirka amaanka gudaha Yusuf Haji iyo Baco Conteh oo ah wasiirka difaaca Sierra Leone ayay ka wada hadleen howlgalka ciidankooda ay ka wadaanSomalia.

Yuusuf xaaji iyo Baco Conteh ayaa isku raacay iskaashi labada dowladood ay ka yeeshaan la dagaallanka Al shabaab iyo xoojinta amniga labada dal.

Kulankaasi ayay isku soo qaadeen labada wasiir sidii ay iskaashi gaar ah u yeelan lahaayeen ciidamada labada dowladood ay usoo direeen dalka Somalia ee ka qeyb qaadanaya howlgalka midowga Africa Amisom.

Wasiirka difaacaKenya oo ka hadlay kulankaasi ayaa ugu mahadnaqay dhigiisaSierra Leone sida ay iskugu howleen ciidamo ay u soo diraan dalkaSomalia.

Wasiirka gaadhaandhiga Kenya wuxuu kulanka ka sheegay in ay ciidankoodu ku dadaali doonaan in ay si’ fudud u la wareegaan magaala xeebeedka kismayo ka hor inta uusan dhamaan waqtiga dowladda Fedraalka KMG ah ee Somalia.

Dowladda Sierra Leone ayaa u soo dirtay Somalia 850 Askari oo ka qeyb qaadanaya howgalka Amisom ay ka wado Somaliaiya iyadoo ciidamadeedu ay ka barbar dagaalamayan kuwa militaarka Kenya.

Howlgalka midowga Africa Amisom ee Somaliaayaa waxaa ka qeyb qaadanaya dowladaha, Uganda,Burundi. Djiboutti Sierra Leone iyo ciidamada ka socda dalka Kenya iyadoo ay kaabayaan mikitariga dowladda Ethiopia.

Abdishakur Hussein Mohamed (Shakra)