WAKAALADDA WARARKA WARSO.COM
Wasaaradda gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah xadka ay leeyihiin dalka Soomaaliya ay ku xiri doonaan qalab la shaqeeya dayax gacmeedka oo la doonayo in lagu ogaado shaqsiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee doonaya inay gudaha Kenya la galaan hubka iyo waxyaabaha kale ee qarxa.
Warkan oo ay xalay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in qalabkan uu dayax gacmeedka la shaqeeya waxaa loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira xaduuda iyadoona indho gooni ah loo yeelanayo xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ee damacsan inay Kenya gudaha u galaan xilliyada habeenkii ah.
Qalabkan oo ay rakibayaan ciidamada dawlada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaa si gaar ah loogu xirayaa Jaziiradda Kiiwayo oo dhinaca badda xaduud kala leh Soomaaliya, waxaana warkan sheegay taliye ku xigeenka ciidamada booliska Jaziiradda Lamu Julius Melly, kaas oo sidoo kale sheegay in qalabkan uu ciidamada ka gacan siin doono sugidda amaanka dalka sida uu yiri.
Sidoo kale saraakiisha amaanka Kenya waxaa ay sheegeen in ciidamo fara badan oo boolis ah la geeyay dhulka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay uga hor tagaan weeraro Shababku wadankaasi ka geystaan, waxaana xusid mudan in Al-shabab ay ciidamada Kenya kula dirirayaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.