WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Madaxweynaha xisbiga jamhuuriga soomaaliyeed cabdi nuur darmaan ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsi yaha badan uu ugu soo wajahan yahay dalka soomaaliya si uu uga qeyb galo doorashooyinka madaxtanimada dalka soomaaliya.
Mr darmaan ayaa waxa uu sheegay in uu ku maqan yahay safari dalka dibadiisa isla markaana uu ku doonayo in uu howlo muhiim ah ka soo qabto oo waxloogu qabanayo u mada soomaaliyeed.
Darmaan ayaa waxa uu sheegay in ay hada xisbiga jamhuuriga uu ku guuleystay is xabsiyada caalamka ka sii daayay muwaadaniin soomaaliyeed dalka dibadiisana uu u qaaday dad ay heystaan xaalado caafimad daro oo adeegyo caafimad loogu soo qabanayo waxbarashada ay ka saacidayaan dadka soomaaliyeed.
Madaxweynaha xisbiga jamhuuriga ayaa waxa uu intaa ku daray in dadka soomaaliyeed uu ugu baaqayo in ay xisbiga udoortan xilka wadanKa
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.