Maamulka Degmada Balcad Oo Tira koob ku wada Guryaha ku yaal Degmadaasi.

0
544


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Maamulka dowlada KMG soomaaliya ee degmada balcad gobolka shabellaha dhexe ayaa waxa ay sameeyen qorshe ay ugu kuur galayo cadadka guud ee guryaha degmada balcad ay ka koobanyihiin.

Afhayeenka gobolka shabellaha dhexe ee maamulka dowlada KMG soomaaliya daauud xaajin ciro ayaa waxa uu sheegay in ay taasi ka saacideyso hadba sugida amaanka degmada iyo waxa la filan karo tira koobka guryaha ka dib.

Maamulka dowlada soomaaliya ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee ay gaaren degmada balcad waxa ay hada wadaan talaabooyin ay ku doonayaan hubinta amaanka degmada oo todabadyo ka hor lagala wareegay xarakada alshabaab oo muda dheer ka talineysay qeyba ka mida gobolka shabellaha dhexe.

Afhayeenka degmada balcad ee maamulka dowlada soomaaliya daauud xaaji ciro ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadayan qaadida talaabooyinka lagu adkeynayo amaanka deeganada ay kala wareegen xarakada alshabaab in dhawana.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.