Odayasha dhaqanka ee kulamada ku leh magaalada muqdisho oo sheegay in ay heystaan caqabado uga imaanaya gudiga loogu magaca daray gudiga farsamada iyo fududeynta roadmap ka.
Odayaasha ayaa waxa ay sheegen in goor sii horeysay ay dalbadeen in loo madaxbanaaneyo howlaha loo xilsaaray ee ah soo xulista ergada ansixindoonto roadmap ka ladoonayo in ay soomaaliya ay yeelato.
Odayaasha magaalada muqdisho ayaa waxa ay cabasho adag oo aan ka lelexad la heyn ay ka muujinayaan gudiga ka kooban 27 xubnood ee lagu soo magacaabay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada adis ababa ee caasimada dalka Ethiopia
Ugaas maxamed bashiir ugaas xasan oo ka mida odayada ay kulamada uga socanayaan magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in caqawadaha hada heysto odayaasha aanay ku koobneyn fara galinta lagu wado oo qura balse ay caqawad kale ay ka heysato halka la deji lahaa ergada ay soo xulayaan waxa uuna intaa raciyay in iyagu ay ka mas,uul yihiin dadka ay u soo xulayaan meel marinta masiirka umada soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee cabashada odayaasha magaalada muqdisho ku kulansan ayaa waxa ay ku soo aadeysa xili maalin tii shalay ay kulamo la yeeshen ku simaha raiisalwasaaraha soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha cabdi wahaab ugas qaliif kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku aadan xaaladaha la xiriira in gudiga loo madaxbanaaneyo howsha loo idmaday odayaasha soo xulayo ergada dastuurka soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.