“Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubbaland imaan karo, oo guddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doorashada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas waxaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Soomaaliyeed, sida maantaba dhaarta uga hareen,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay goobjoog.
Janan ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo hay’adda nabad sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo. Wuxuu sheegay haatan inay quus taagan yihiin cid kasta oo iskudayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada sida uu yiri.
Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yimid wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.












