Khilaaf Dhanka Amniga ah oo Soo Kala Dhexgaley Hay’adda NISA iyo Amisom Halkee Marayaa?.

0
596

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Hey’adda Nabadsugidda NISA iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM uu soo kala dhexgalay khilaaf ku saleysan arrimaha amniga Xalane. Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa kadib markii ciidamo ka tirsan Nabadsugida NISA oo laba bar kantarool ku dhex leh xerada Xalane ay AMISOM ku wargalisay inay ka guuraan baraha ay halkaas ku leeyihiin, sababo lagu sheegay walaac la xiriira dhanka amniga.

Warka ay Warsom heshay wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada NISA ay ka horyimadeen dalabka AMISOM midaas oo keentay ismariwaa illaa iyo haatan ka dhextaagan labada dhinac. Waxaan la ogeyn in dalabka AMISOM iyo walaaca amni uu yimid kadib weerarkii 23-dii bishii hore ee March ay laba dabley oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig si adag loo ilaaliyo oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin meel aad ugu dhow ayraboorka Muqdisho ee Adan Adde International Airport.

Khilaafkan cusub ee ka dhextaagan labada dhinac ayaa ku soo beegmaya kadib fariintii ugu dambeysay ee hey’adda NISA soo dhigtay bogeeda Twitter-ka midaas oo ay ku sheegeen inay jiraan iskudayo ay kooxda Al-Shabaab qorsheynayaan inay ku beegsadaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisulwasaare Rooble.

Fariinta qoraalka la soo dhigay bogga Twitter-ka NISA, waxaa ka horeeyay hadal uu hore u jeediyay isbuucii la soo dhaafay ra’isulwasaare Rooble taas oo uu ku sheegay in loo soo diray fariimo hanjabaad ah.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka ay marayaan meel xasaasi ah.