AUN Geerida Ku Timid Xaaji Maxamuud Cali Dhegweyn (Gaange) oo R/wasaare Rooble Ka Tacsideeyey.

0
594

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariisto marxuum Xaaji Maxamuud Cali (Gaange) oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo maalgashi badan ku lahaa dalka.

Marxuunka ayaa muddo dheer soo ahaa wakiilkii Sharikaddii Somali Airlines ee dalalka Tanzania iyo Sacuudi Carabiya.

Marxuum Xaaji Maxamuud ayaa sidoo kale ahaa mulkiilaha hotelka caanka ah ee Dorbin ee ku yaalla nawaaxiga KM0 isgoyska Jubba ee magaalada Muqdishu.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo asxaabtiisii. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo Kale waxaa Tacsi Taa Lamid ah Diraya Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Leh Allaha U Naxariisto Marxuumka Eheladii iyo Qaraabadii uu Ka Tegeyna Samir iyo Iimaan Eebbe Haka Siiyo (Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun).