ciidamada amaanka ee maamulka ahlu sunna waljameeca ee degmada guriceel oo saakay howlgallo ka sameeyay xaafadaha degmada guricel ayaa waxa ay ku soo qabqabteen qarshooyin ama dhalooyin ay ku kiraan maandooriyaha qamriga.
taliyaha saldhiga degmada guriceel maamulka ahlu sunna waljameeca muuse tashade ayaa waxa uu sheegay in hada ay socanayaan howl galada ay ku sugayaan amaanka islamarkaana ay intii ay wadeen ku soo qabqabteen dhalooyin ay ku jiraan qamriga.
taliyaha ayaa waxa uu intaa ku daray in ay jiraan dad ay usoo qabqabteen falalka wax u dhimaya amaanka degmada kuwaasi oo uu ka gaabsaday tiradooda waxa ay la egtahay.
si kastooy xaalada ahaataba howl galada saakay ka socanaya degmada guriceel ee gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan mamulka ahlu sunna in ay ku doonayaan in ay ku sugaan amaanka degmada.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





