28 june 1960 xili casar ah oo roob yar shalax ah da’ay waxay ahayd
saacadaha ugu xasuusta iyo hadal haynta badan bulshada somalida ee ku nool
gayiga geeska Africa xaamasada iyo yuhuunta soomaalinnimo, ayaa ahayd mid
aad u saraysay taasi oo noqotay mid dibada soo dhigta mihnado badan oo
dhinaca suugaanta ah oo ku jirtay quluubta dadyow badan oo Somali ah.
Waxayd ahayd maalin qofkasta oo somalinimo ku abtirsadaa markuu xasuusto
ama looga sheekooyo ku reeba qiiro iyo xasuus xeel dheer waa maalintii ugu
horaysay ee calan soomaaliyeed oo xor ah laga taago caro soomaaliyeed.
Magaalada taariikhdaa milgaha leh nasiibka u yeelatay, ayaa ahayd magaalada
Hargeisa gaar ahaan fagaaraha beerta xoriyada halkaasi oo ku soo xaadireen
masuuliyiin ka kala socotay dawlada gumaysiga ee Britain iyo Madaxdii
Somaliland halkaasna lagu dajiyey calankii Britain kii Somalidana la saaray.
Si kastaba ha noqotee shacabka reer Somaliand ayaa wakhtigaas himiladoodu
ahayd inay mar uun arkaan somalida geeska Africa oo leh hal Dal, Dawlad. Dastuur, calan iyo nidaam ku dhisan is afgarad tanaasul walaalnimo soomalinimo iyo waliba islaamino. Taasi waxay keentay in 4 maalmood ka dib ay la midoobaan dhinaca kale ee Somalia oo xiligaas Italy gumaysan jirtay.
Si kastaba ha noqotee Somalia ayaa noqotay wadan guulaystay oo sameeyay horumaro badan oo ah dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada, militariga iyo gacan siinta wadamadii ku hadhay gacanta gumaysiga.
“Siyaaasada”
Somalia waxay ku guulaysatay inay noqoto wadamadii udub dhexaadka u ahaa dhismaha ururkii midnimada Africa markii dambena noqday midowga Africa (AU), Waxaa kale oo ay ku guulaysatay inay noqoto dal ku dhisan nidaamka parliamentary ah isla markaana madaxdiisu ku soo baxaan doorashooyin laga soo bilaabo heer degaan ilaa heer qaran sidoo kale ku dhisan nidaamka xisbiyada badan.
“Dhaqaalaha”
Somalia waxay noqotay dalalka Africa ugu dhaqaalaha horeeya waxay kaalinta 16 aad ka gashay wadamada ugu dhaqaalaha badan qaarada Africa, waxay ku guulasatay inay si weyn hoos ugu dhigta badeecadaha ugu yimaada dibada waxay kor u qaaday badeecahada ay dhoofiso. Waxay ku guulaysatay inay samayso warshado badan sida warshada dharka, sonkorta, birta dhalaalisa, baastada, taydha, sigaarka, taraqa iyo kuwa kale oo yar yar oo badnaa.
Sidoo kale waxaa iyadna meesha ka maqnayn mashaariicda horumarineed ee lagu guulaystay kuwaas oo u badnaa dhinaca beeraha oo ay Somalia caanka ku ahayd dhoofinta mooska ugu badan aduunka iyo waliba xoolaha. Heerka shaqo la’aanta ayaa aad u hooseeyay oo inta badan dadka wax bartay dawlada ayaa shaqo siin jirtay.
“Waxbarashada”
Markay timaado dhinaca waxbarasha Somalia waxay noqotay wadanka kaliya ee xiligaas ku guulaysta inuu lacag la’aan ka dhigo waxbarashada lagaa bilaabo dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed isla markaana ardayda jaamcadaha iyo dugsiyada sare dib loo siin jiray lacag gaar ahaan kuwa ku jira dugsiyada hoyga ah.
Waxaa sidoo kale jiray dugsiyo lagu baran jiray xirfadaha kala duwan sida farsamada gacanta, maamulka iyo maaraynta beeraha xanaanada xoolaha iyo caafimaadka, xirfadlayaasha ka soo baxa ayaa waxay u shaqayn jireen wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka, halka jaamiciyiintuna ahaayeen dad loo dhiibo xilalalka sare kaliya.
Somalia waxay deeqo waxbarasho ka heli jrtay wadamo badan sida Ruusha, USA UK masar suudaan liibiya iyo waliba wadamo kale oo reer yurub u badnaa kuwaas oo markay ka soo baxaan dalka kula soo noqon jireen fikrado cusub.
“Milatariga”
Somalia waxay kaalinta 8 aad ka gashay wadamada ugu militariga fiican oo awood badan isla markaana aad u qalabaysan waxaana gacan ka gaystay wadankii midowga soofiyeedka.
Xooganida military ee Somalia waxayd ka mid tahay arimaha Somalia manta joojiyey halka ay taalo inta badana waxaa sabab looga dhigaa dagaalkii waynaa e ciidamada qalabka sida la galeen dawlada Eithopia inkastoo Somalia dagaalkaa guul weyn ka soo hoysay hadana waxuu noqday mid shaki weyn galiya beesha caalamka.
Waxaan xasuusta markii aan ku jiray jaamacada camuud sanadkii ugu horeeyay ayaa maalin macalin noo dhigi jiray maadamada fahanka dhaqaalaha oo lagu magaaco Prof. Suudi waxaam uu noo sheegay inu ku sugnaa wadanka maraykanka
xiligii ay Somalia ku duushay Ethiopia waxaa uu sheegay Inay shacabka maraykanku la yaabanaayenn sida ay Somalia ugu hamiday inay ku duusho wadan ay qaban kari waayeen gumaystihii reer yurub taasi oo ay ku tilmaamayeen inay Somalia riyo been ah ku jirto.
Hase yeeshee, markii ay Somalia si weyn ugu guulaysatay dagaalka ayaa waxay shacabka maraykanka doodoodu noqatay inay ka hadlaan mustaqbal umadaha aan muslimka ahayn ee ku nool geeska Africa maadaama somalidu tahay qoomiyada ugu dhulka balaadhan ee qaarada Africa degana dhul dhann 400 000 km square ah isla markaana wadaaga luuqad, dhaqan, muuqaal, diin iyo taariikh soo jireen isla markaana leh xidhiidh bulsho oo aad u sareeya.
“Taageerada wadamada kale”
Somalia waxay taageero hiil iyo hoo ah siisay wadamo badan oo ku yaala qaaradaha Africa iyo Asia dhinaca Africa waxay soomaalia taageero ka siisay dhinaca gobonimo doonka ah wadamada Zimbabwe, Angola, Namibia muusambiik, K. Africa iyo jabouti. Sidoo kale Somalia waxay olole balaadhan u gashay sidii dalka China loogu ogalaan lahaa inuu xubin ka noqdo qaramada midoobay, china hada waxaa u jiraaa shanta dal ee leh awooda diidmada qayaxan.
“Maxaa Ka Dambeeyay”
Marka laga soo tago waxaas oo dhan waxaan Somalia manta ku habsaday dhibaatooyin ay adag tahay inay siday mar ahaan jirtay ku soo noqoto. Dalka waxaa ka dhacay dagaalo badan oo kala qaab iyo fikir duwaanaa kuwaas oo iskugu jiray dagaalo qabiil, siyaasadeed iyo kuwa diineed oo ilaa hada socda.
Tan iyo intii ay burburtay dawladii dhexe e Somalia, waxaa dalku u kala go ‘ay labadii qaybood ee markii hore midoobay, Somaliland waxay ka soo go’aday Somalia ka dib markii lagu hungoobay riyadii iyo yuhuuntii ahayd in la mideeyo somalilada geeska Africa. Mudo ka badan 21 sano qaybaha somalidu waxay ku noolaayeen xaaladdo kala duwan iyadoo sidoo kalena ay jiraan kuwa ay ka siman yihiin.
(SOMALIA)
In ka badan 21 sano Somalia waxay hoy u ahayd dagaalo iyo mawjada qalalaase oo xoogan kuwaas kuwaas oo saamayn togan ku yeeshay bulshada soomaliyed badayna inay qoxooti u noqdaan wadamo ay cadow ahaan jireen isla markaana indhahoodu ku raaxaysanayaan dhibaatadooda.
Xisilooni darada Somalia waxay soo martay marxalado kala duwan kuwaas oo hadba nooc loo dagaalamayay mar ay noqoto dagaal qabiil, siyaasaded, kooxaysi. Diineed kuwaas oo sabab u noqday in malaayiin ka barakacaan guryahooda iyagoo beegsanaya wadamada jaarka halka kuwa badana ay ku barakacaan wadanka gudihiisa.
Waxaa dhacay tacadiyo badan oo iskugu jira kufsi, dil, dhac iyo dhibaatooyin kale rajadada umada soomaiyeed ayaa ahayd mid aad u hoosaysa halka qaarkoodna kaba quustay dawladnimadii iyo sharaftii Somalia inay mar uun soo noqon doonto. Waxaa abuurmay maamulo iska soo horjeeda ninkasta meel ayuu ootay waxaa halaabay danta guud iyo himiladii shacabka.
Waxay fursad u noqotay in dawladii jaarka ee aan jiritaanka umadda soomaliyeed rabin ay faragalin qaawan ku sameeyaan isla markaana loo soo baratomo. Inkastoo ay jiraan gobolo xasiloon oo ku guulaystay inay nabad ka dhaliyaan dhulkooda sida puntland iyo galmudug oo kale.
Hase yeeshee waxaa hada shacabka soomaaliyed u soo baxay iftiin dhinaca nolosha ah ka dib markii si weyn loo wiiqay kooxda al shabaab isla si buuxda gacanta loogu dhigay magaalada caasimada ah ee Mogadishu arintan ayaa waxay horsed u noqotay inay shacabka soomaaliyeed dib ugu soo noqdaan dalka iyagoo samaynaya maalgashiyo dhinaca ganacsiga ah iyo waliba dib u dhis balaadhan.
(SOMALILAND)
In ka badan 20 sano shacabka reer Somaliland waxay ku noolaayeen xasilooni iyo deganaansho siyaasadeed sidoo kale waxay ku talaabsadeen inay dhabaha saaraan wadada horumarka, dhaqaale iyo waliba siyaasadeed.
Waxaa lagu guulaystay in la sameeyo hanaan siyaasad oo la jaanqaadi kari nidaamyada siyaasadeed ee caalamka casriga ah waxaa markii ugu horaysay loo sameeyey afti dadweynay sanadkii 2001 oo 97% u codeeyeen HAA dastuurka Somaliland. Sidoo kale doorashooyin is xigay oo lagu soo dooranayey golashaayo heer degaan, qaran iyo waliba madaweyne.
Somaliland waxay yeelatay afar madaweyne oo laba ka mid ah shacabku soo doorteen sidoo kale shacabka oo u bislaaday siyaasada iyo waliba hanaanka ay u socoto. Balse, kuma guulaysan inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah kaasi oo Somaliland ka dhigay mid aan meelna u dhaqaaqi Karin isla markaana curyaamiyay himilooyin badan oo shacabku gaadhi lahaa hadii ay haysan lahaayeen aqoonsi.
( MAXAY KA SIMAN YIHIIN)
Somaliland iyo Somalia waxay ka siman yihiih arimo badan oo aan inta badan u muuqan shacabka labada dhinac. Dhinaca gaar gaarka caalamku siiyo Somalia waxay ku baxaan 80% magaalada Nairobi halka 20% soo hadha intiisa badan ku baxdo laaluushka hay’adaha dib loo siiyo markay mashruuc kuu soo daynayaan Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay ayaa ula macaamilamaamulada soomalida si ka baxsan caadimamada tusaale markaasn soo qaadano ma dhigtaan lacahooga baananka, isla markaana ma ogala inay tusaan warbixinaha maalliyadeed ee deeqda ku soo qaataan iyagoo magacooda ku soo qaataan, kuma shaqeeyaan qorshaha ama nidaamka wasaaradaha qorshaynta ee somalida ee waxay samaystaan kuwa iyagu si gaar ah u wataan.
Sidoo kale ma bixiyaan adeegyada aasaasiga ah ee waxay markasta ku meeraystaa siminaaro iyo duulimaadyo aan macno ku fadhiyin, waxay keenaan raashin tayadiisu hoosayso ama wakhtigiisi dhacay, isla markaana waxay deeqda keenaan xiliyada uu soo go’ dalagu si ay u niyad jabiyaan shacabka beeraha tabcada.
(Dhinaca hawada cirka)
Tan iyo intii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia waxaa cashuurta hawada ee Somalia qaadaysay hay’ad laga leeyahay dalka Kenya oo lagu magaacabo ICOA. Waxay soo qaadaysay in ka badan 20 sano ilaa hadana lama oga meesha ay ku bixiso kharashkaa iyo waxay ku qabato guud ahan Somalia.
“Bada”
Waxaa jira maraakiib badan oo si sharci daro ah uga kaluumaysta xeebaha badweynta india ee Somalia iyo bada cas ee Somaliland kuwaas oo lacag malaayiin gaadha ka qaata oo ka dhaca sanadwalba somalida iyadoo ayna jirin dawlad dhexe ama mid la aqoonsayahay oo ka dacwoon karto, waxaa taas ka sii daran badaha somalida oo noqotay gidaafada lagu tuuro qashinka suntan nukliyeerka.
(YAA KA FAA IDAY?)
Qaska iyo dhibaatooyinka ka jira Somalia iyo waliba aqoonsi la’aanta Somaliland waxaa kaa faa’iday shakhsiyaad , shirkado iyo hay’ado caalami ah.
Shakhsiyaad badan oo ka soo jeeda wadanka Kenya ayaa intay qandaraas ka soo qaataan hay’adaha UN ka hadana aan sidoodii amaba aan bilaabin tusaale hadaan soo qaato maalin ayaan booqday mid ka mid ah hotelada ay isticmaalaan shakhsiyaadka u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah waxaan wada sheekaysaynay mid ka mid ah sxbday oo isagu ka mid aha madaxda hotelka runtii waxaa u ii sheegay waxay noqdeen wax aan loo dulqaadan Karin.
Wuxuu ii sheegay markay ku soo degaan hotel ay maalmo badan ku qaataan qolka uuka degan yahay hotelka halkaas uu ku diyaariyo warbixino been abuur ah sidii inuu shaqo qabtay oo kale, markuu dhameeyo uu iska sii deganaado ilaa mudo bilooyin ku siman, wuxuu ii sheegay mar uu nin Kenyan ah ka codsaday inuu u daabaco nuqulka warbixintii uu rabay inuu u diro Nairobi
taasi oo ku qornaayeen inay baxday lacag dhan $300,000 mudo afar bilood ah, kaliya ninkaasina wuxuu wadanka galiyey inta uu ku deganaa hotelka oo aan dhamayn $1000 maxaad u malaynaysaa inuu faa’idi karo ninkaas.
Waxaa taas ka sii daran in xataa shaqooyinkii hoose ee ay qaban lahaayeen somalidu ay iyagii qabanayaan marka jago sare la rabo in la qaato waxay kuugu jawaabayan kenyan ama African kale ayaa loo baahan yahay somalidu waxay noqotay dad aan meel loo dhiiban Karin ku darso inta badan Kenyan jooga Somalia waa dad aan jaamacad galin.
Waa laga yaabay inay dad badan iswaydiiyaan Somali badan aya Nairobi ka shaqaysata lakin ogow kuma shaqaystaan sida ay kenyaaku uga shaqaystaan somalida ee somalidu kenyaa way maal galisay oo ganacsi heerkiisu sareeyo oo casri ayay keentay. Kuma koobna oo kaliya Kenyan kuwa ka faa’aday dhibaatada somalida balse waxaa dadyow badan oo xataa yurub ah.





![kariin[1]](https://warsom.com/wararka/wp-content/uploads/2012/06/kariin1-300x103.jpg)