Waxaa socanaya qorshe lagu doonayo in kulamo uu la qaato raiisalwasaaraha Xukuumada KMG soomaaliya Dr.cabdi wali maxamed cali gaas dhigiisa dalka Uganda Amama Mbadzi raiisalwasaaraha dalka Uganda.
Labada raiisalwasaare ee dalalka Uganda iyo soomaaliya ayaa la filaya in ay ka wada hadli doonan arrimo ku aadan xiriirka soomaaliya iyo dalka Uganda gaar ahaan arrimaha mileteriga ee ay dowlada Uganda qeybta ay ka tahay ciidanka midowga afrika eek u sugan dalka soomaaliya.
Kulamadaasi ka dib ayaa la filayaa in raiisalwasaaraha soomaaliya Dr gaas in uu kulamo la yeesho madaxweynaha dalka Uganda yuweri musafani iyo jaaliyadaha soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Uganda.
Safarka uu raiisalwasaraha dalka soomaaliya ku tagay dalka Uganda ayaa waxa uu qeyb ka yahay safari ay dhawaanahani madaxda ugu sareeysa dowlada soomaaliya ugu amba baxayeen dalka dibadiisa.
Waxaana tani ay ku soo aadeysa xili xukuumada uu raiisalwasaraha ka yahay Dr,gaas uu waqtiga ka sii idlaanayo kaasi oo doonayo in uu meel wanaagsan kaga tago dalka iyo siyaasada soomaaliya muda kooban ka dib
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya