xili saacadihii aaynu ka soo gudabnay ay magaalada Dubai ee xarunta isku taga imaradka carabta ay ku sugnaayeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada KMG soomaaliya shariif sheekh axmed ayaa saacada ka hor waxaa magaalada Dubai gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka soomaaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo.
ujeedka wafdi gaaray magaalada Dubai ayaa lagu sheegay in ay ka qeyb galayaan shirka heerka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha la xiriira kooxaha burcad badeeda soomaalida.
shirka ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan wakiilo ka socda qaramada midoobay oo iyagu loo arkay in ay qeyb ka yihiin qeybaha ay ka go,do talaabada hadba loo baahdo in laga qaato kooxahada burcad badeeda soomaalida.
wafdiga ka socda maamulka soomaaliland ayaa la filaya in ay kulamo la qaatan inta ay ku sugan yihiin magaalada Dubai madaxweynaha soomaaliya shariif sheekh axmed.
dhinaca kale dowlada isku taga imaaradka carabta ayaa waxa ay sheegtay in hada ay sii yaraaneyso awoodaha kooxda burcad badeeda soomaalida sidii ay sanadihii ugu danbeeyay awoodooda ay aheyd.
shirka oo hada socanaya ayaa la filaya in ugu danbeyntii ay ka soo baxaan qodabo wax ku ool ah si loo mideeyo aragtida beesha caalamka ee la xiriirta kooxaha burcad badeeda soomaalida.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,soamliya.