Ciidanka dowlada KMG soomaaliya oo garabsanaya ciidanka midowga afrika ayaa saakay waxa ay gaaren degmada balcad ee gobolka shabellaha dhexe.
Ciidanka AMISOM ayaa waxa ay ka dhabeeyen in meel mar laga dhigo go,aankii ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula wareegidoonan degmooyinka gobolka sh/dhexe.
Saakay markii ay degmada balcad ay wada gaaren ciidanka isbiirsanaya ee dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dadka deeganka degmada balcad waxa ay inoo sheegen in aanay jirin wax iska hor imaad ah oo halkaasi ku dhex maray ciidanka degmada gaaray iyo ciidankii ka amar qaadan jiray maamulka xarakada alshabaab ee degmada balcad gobolka shabellaha dhexe.
Degmada balcad ee gobolka shabellaha dhexe ayaa todabaad yadii aanu ka soo gudabnay waxaa isku soo aruursanayay ciidamo taabacsan xarakada alshabaab iyo saraakiishooda oo xusul duub dagaal uu ka muuqanayay.
Ma kala cada sida ay ku danbeyn doonto xaalada degmada balcad ee gobolka sh/dhexe ee ay saakay ay la wareegen gacan ku heynteeda ciidamada dowlada KMG soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.