Saraakiil Ethiopian ah Oo saacada ka hor soo gaaray magaalada muqdisho.

0
676

Saraakiil ka socata dowlada Ethiopia ayaa waxa ay saacad ka hor ka soo degeen garoonka diyaaradaha magalada muqdisho

Saraakisha ciidanka ayaa waxaa hogaaminayay general gabre oo hada la sheegayo in uu kulamo la leeyahay madaxda dowlada KMG soomaaliya.

Sida lagu helayo ila wareedyada ku dhow dhow aqalka madaxtooyada ee magaalada muqdisho  general ka iyo saraakiisha la socota ay ka wada hadlaya arimo la xiriira taageerad dowlada KMG soomaaliya ay uga baahan tahay dowlada Ethiopia.

Ciidanka Ethiopia ayaa waxay soomaaliya ka baxeen tan iyo sanadii 2009 kii kuwaasi oo la dagaalamay dhinac yadii ku kacsanaa dowlada TFG da ee xiligaasi.

Sidoo kale dowlada Ethiopia ayaa hada waxaa dalka soomaaliya kaga sugan ciidamo aad ufara badan oo taageeraya ciidanka culumaaudiinka ahlu sunna waljameeca ee gobolada dhexe dalka soomaaliya.

Ugu danbeyntii imaatinka saraakiisha Ethiopian ka ah ee magaalada muqdisho soo gaaray ayaa waxa uu ujeedkooda lagu sheegaya in ay madaxda dowlada soomaaliya ay isla meel dhigayaan habka la sikugu meel dhigi karo dagaal wada jir ah oo ay hada ciidanka Ethiopia qeyba ka mida dalka soomaaliya ka wadaan dagaal sidii lagu sii xoojin lahaa.

W/Q, Aadan xuseen daauud.

Email.aadan_xuseen_daauud@hotmail.com