Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo Markii Ugu Horeeyay Sheegay In Ay Gobalada Dhexe Uga Soo Bexeen Khilaaf…

0
1287

Www.Warsom.com

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la qaadanayey maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe, waxayna ka wadahadleen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsann Ahlu Sunna arrimaha dhinaca ammaanka iyo iskaashi dhexmara labada dhinac.

Guddoomiyaha Guddiga talada maamulka Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulamada ay yeesheen labada dhinac ay la xiriireen xoojinta ammaanka, isla markaasna ay qeyb ka yihiin kulamo horey ugu socday labada dhinac.

Kulamadan u dambeeyay oo ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayey Ahlu Sunna kaga codsatay saraakiisha Itoobiyaanka in ay kala shaqeeyaan ammaanka sida uu sheegay Sheekh Cumar, wuxuuna intaasi ku daray in ka bixitaankoodii Ceelbuur aysan sabab u aheyn khilaaf u dhaxeeya iyaga iyo ciidanka Itoobiya, wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan madmadow u dhaxeeya labada dhinac, isagoo sheegay in Ahlu Sunna dhexdeeda ay sababta looga soo baxay Ceelbuur laheyd.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir “Ciidamada Ahlu Sunna ayaa markii hore si iskood ah uga baxay degmada Ceelbuur, markaasi ka dib ayey ciidamada Itoobiya soo baxeen, mana jiro wax khilaaf ah oo hadda u dhaxeeya Ahlu Sunna dhexdeeda oo uu markii hore soo kala dhexgalay khilaaf aan sidaasi u buurneyn” ayuu yiri

Sidoo Kale Sheekh Cumar oo intaasi Waxaa uu ku daray in hadda ay ku hishiiyeen iyaga iyo dowladda Itoobiya iskaashi dhinaca ammaanka ah, isagoo xusay inay iyagu weydiisteen inay gacan ka siiyaan dhinaca ammaanka.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.