WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Khilaafkan oo ah mid ka yimid arimo la xiriira Dastuurka Qabyo Qoraalka ah kaddib markii guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka uu sheegay in madaxda DKMG ah ay u soo gudbiyeen dastuur kale oo aan ahayn Dastuurkii Baryahaan Dambee Ka Taagnaa Qilaafka oo ay sheegeen inay u gudbiyaan odayaasha ku Uruursan Xarunta Xalane ee Muqdisho, taasoo uu guddigu sheegay inay diideen.
C/llaahi Xasan Jaamac “Madaxda dowladda waxaan kula shirnay maanta xarunta madaxtooyada waxayna noosoo gudbiyeen qoraal ay sheegeen inuu yahay kii kama dambeysta ahayd oo ay soo diyaariyeen guddi Nairobi ku sugan, iyagoo naga dalbaday inaan u gudbinno odayaasha dhaqanka iyo culummada,” ayuu yiri .
C/llaahi Xasan Jaamac Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka Qabyo Qoraalka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qoraalka cusub ee loosoo gudbiyay uusan ahayn midkii ay iyagu diyaariyeen, balse uu yahay mid ay diyaariyeen guddi lagu dhisay magaalada Addis Ababa.
“Axdiga KMG ah wuxuu dhigayaa in guddiga qoraalka dastuurka uusan ka mid ahayn dowladda, sidaa daraadeedna dastuurka aan diyaarinno aan u gudbino shacbka si ay u ansixiyaan,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dastuurka.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in madaxda DKMG ay ka codsadeen inay kasoo fiirsadaan, markii ay shireenna ay go’aansadeen inaysan dastuurka madaxda DKMG ah aysan qaadi karin mas’uuliyadiisa oo aysan u gudbin karin odayaasha dhaqanka iyo culummaa’uddiinka.
Murankan cusub ee u dhexeeya guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka iyo madaxa dowladda KMG ah ayaa wuxuu imaanayaa xilli dalka Kenya lagu qabtay shir ay yeesheen saxiixayaasha khariidadda nabadda, kaasoo intiisa badan looga hadlay dastuurka, lana sheegay in laga gaaray heshiis dhameystiran.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.