Xaalad deganaansha Oo Laga Dareemayo Qeyba Ka Mida G/Gedo.

0
523


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Xaalad deganaansho ayaa laga soo shegaya qeyba ka mida gobolka gedo ee gudaha dalka soomaaliya halkaasi oo ay saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen ciidamo ka tirsan DKMG soomaaliya iyo xarakada alshabaab.

Deeganka lagu wada dagaalamay oo lagu magacaabo yukud oo 45 km u jira degmada baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa hada waxa uu yahay mid laga dareemayo deganaansho aanay kala cadeyn waxa iska badali doono .

Mudooyinkii ugu danbeysay ayaa waxaa qeyba ka mida gobolka gedo ka taagnaa dagalo dad aad ufara badan saameyn ugu yeeshay deegaanadii ugu danbeyay ee lagu wada dagaalamay waxa ka mida deeganka tuulobarwaqo oo ka tirsan degmada baladxaawo ee gobolka gedo.

Dagaalada gedo ayaa ah kuwo lagu doonayo is gobolkasi looga saaro xarakada alshabaab oo muda aad ufarabadan ka talineysay deegaanada hoostaga gobolka gedo ee dalka soomaaliya.

Inta badan waxaa guulo ka kala sheegata marka dagaalada ay deegandaasi ka dhacaan dhinacyada ku wada dagaalama ee kala ah ciidanka DKMG soomaaliya.iyo xarakada alshabaab.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.