Siyaasiga cabdi nuur siyaad oo ka mida siyaasiyiinya soomaalida ayaa waxa uu sheegay in odayaasha hogaanka dhaqanka ay ku hadlaan hadalo loo soo gudbiyo oo qura isla markaana aanay iyagu laheyn go,aanka ay qalabka warbaahinta ka sheegan inta badan.
Cabdi nuur siyaas ayaa waxa uu sheegay in odayaasha dhaqan ay yihiin kuwa ka turjuma marwalba aragtiyaha ay aaminsan yihiin madaxda ugu sareeysa dowlada KMG soomaaliya.
Mudooyinkii ugu danbeyay ayaa waxa isa soo tarayay hadalada ay warbaahinta ka sheegayaan qaar ka mida odayaasha dhaqanka in isbedelo ay ku sameyn doonan hanaanka baarlamanka soomaaliya ee ay goor dhow looga fadhiyo in ay soo xulan.
Odayaasha muqdisho kulamada ay uga socanaayn ayaa dhawaan waxa ay sheegen in baarlamaanka lagu soo koobi doono 275 xubnood hase ahaate waxaa taasi waxa ay noqatay mid dib loogu celiyay odayaasha oo leesku afgartay in la raaco go,aanada ay soo jeediyeen madaxda sare ee ahaa in baarlamanka lagu soo kobo 225 xubnood.
Cabdi nuur siyaad ayaa waxa uu ka hadlay doorashooyinka lagu wado in bisha agosto ay dalka ka dhacan,waxaana uusheegay in taasi aanay suura gal aheyn asigoo usababeeyay in aanu waqtiga ku filneyn ee uharsan gudida doorasho ee wadanka.
Ugu danbeyntii hadalka siyaasigani cabdi nuur ayaa waxa uu raacaya hadalo hore oo ay wax garadka iyo siyaasiyiinta uga hadleen xaalada siyaaasada dalka soomaaliya halka ay mareeyso.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.